Soomaaliland oo bilowday baaritaanka Caabuqa CoronaVirus

Dhaqaatiir gaar ah oo Soomaaliland u dirtey deegaano ka irsan gobolka Sool ayaa waxaay Halkaas ka bilaabeen baaritaano la xiriira hubinta Caafimaad ee Cudurka Coronavirus,kaasoo dad badan ay ugu dhinteen qaar kamid ah dalalka Caalamka.
Dhulka Soomaaliya kama jiro cudurkaan,hayeeshee Dowlada Somaaliya iyo Maamul Goboleedyada ayaa waxaay si waajir ah u sheegeen inay difaac uga jiraan sidii looga Hortagi lahaa caabuqa Coronavirus.
Dhaqaatiir ka socota Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliland ayaa waxaay baaritaan la xiriira Cudurkaan ka bilaabeen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,halkaasoo ay ku nool yihiin Boqolaal Qoysas ah.
Dhaqaatiirtaan ayaa dadka badi waxaay isugu geynayaan Xarun MCH-ka ee ku taalla deegaanka Tukaraq,iyagoo marsiinaya baaritaan Caafimaad,waxana tallaabadaas aad u soo dhaweeyey qaar kamid ah Bulshada ku nool deegaankaasi.
Arintaan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo Dowlada Soomaaliya ay sheegtay inay dadaalo badan ku bixinayso Xakamaynta iyo ka hortaga Cudurkaan dunida oo dhan ay u maaro La’adahay ee COVID-19.
Soomaaliya waxay Sheegtay in mudo 20 Cisha aysan dalka Soo gali Karin dadka ka imaanaya wadamada uu Saameeyay Caaqbuqa CoronaVirus ee Saamaynta badan yeeshay.
Agaasimada Tayaynta Caafimaadka ee wasaarada Caafimaadka Soomaaliya wuxu sheegyayin mudadaas Baaritaano Dheeraad ah la samaynayo si cudurkaasi looga hortago.
Go’aankaan ayaa ka soo baxay kulan ay yeesheen saraakiil ka kala socotay Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya,Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha iyo Madaxda shirkadaha duulimaadyada eek a shaqeeya dalka Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa intaas ku daray in dadka ka imaanaya wadamada uu Xanuunkaan saameeyay laga doonayo inay ku soo hakadaan wadamo kale ilaa 14 Cisho iyo 6 Bari oo dheeraad ah mudadaas oo la hubinayo Caafimaadkooda si markaas kadib loogu ogolaado inay dalka Soo galaan Marka la hubiyo Xaaladooda Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here