Soomaaliland oo digniin u dirtay Jabhad halkaas lagu aas-aasay

Taliyaha qeybta Saddexaad ee Ciidanka Millateriga Soomaaliland ee Gobolka Sanaag Sareeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf ayaa ka hadlay Jabhad dhawaan halkaas laga aas-aasay wuxuuna u sheegay inay tabashadooda sida haboon ku xaliyaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Somaliland ay kala dhex-galeen laba maleeshiyo beeleed oo 19 Bishaan ku dagaalamay deegaanka Fadhigaab degmada Ceelafweyn ee Gobolkaasi Sanaag.
isagoo wax laga weeydiiyey Jabhad laga Aas’asay Buuraleyda Siraadleey ee Gobolka Sanaag,ayuu sheegay inay yihiin dad aan 10 Ruux ka badneyn,isla markaana dadka ay buun buuniyeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in xilligaan Soomaaliland aan looga baahneyn wax Jabhad ah iyo Beelo is aruursaday, balse cidii wax tabanaysa laga doonayo inay wada hadal iyo wadada toosan ku raadiyaan tabashadooda.

Deegaannada Soomaaliland ayaa dhowr jeer waxaa ka Aas’aasmay Jabhado kala duwan oo Xukuumadda Soomaakiland ka soo horjeeda,hayeeshee ugu dambeyn hab beeleed lagu xaliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here