Soomaaliland oo goob fagaare ah qaad ku gubtay

Gudiga ka hortaga Cudurka Covid-19 u qaabilsan Soomaaliland iyo Ciidamada Booliska Gobolka Maroodi-Jeex ee Caasimada Hargaysa ayaa fagaare ku yaalla Magaalada Hargeysa waxaay ku gubeen jaad farabadan oo si qarsoodi ah halkaas lagu soo galiyay.
Shalay Gelinkii hore ayaa jaadkaan oo ka kooban 200 oo Kiilo oo jaadka dheer dheer ah iyo 100 Marduuf,waxay Ciidamada amaanku kasoo qabteen Magaalada Baki-gubadle,kaasoo laga keenay dhinaca Itoobiya.
Goobta jaadka lagu gubayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka, Xubno kamid ah Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo dadweyne daawanayay.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in jaad la soo geliyo deegannada Soomaaliland,iyagoo digniin u diray Ganacsatada sida qarsoodiga ah jaadka ku keenay.
Tallaabada Maanta Soomaaliland ay ku gubtay jaadkaan ayaa waxaay daba socotay Go’aan kasoo baxay Guddiga ka hortagga Cudurka Coronavirus oo lagu mamnuucay in muddo 25 Maalmood jaad la soo geliyo deegaannada Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here