Soomaaliland oo ka soo horjeesatay Tallaabo ay qaadeen dalalka Badda Cas

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliland ay mid aaminsan Tahay nabadgelyo in lagu wada noolaado,isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala Shaqeeyaan cid kasta oo dooneysa nabada gobolka,Tan qaarad iyo Caalamkaba.
Waxa uu xusay in Soomaaliland ay si cad uga soo horjeestay Ciidamo dhawaan loo sameeyay Badda- Cas,kuwaasoo difaacadaya Badda kana kala socda wadamada kulaala Bada cas,waxaana uu sheegay in shirka lagu sameeyay Ciidamadaas aysan jirin cid ku mataleysay Soomaaliland,aysan aqbaleyn arintaasi.
Madaxweynaha Soomaaliland Musse Bixi wuxuu Tilmaamay inay difaacanayaan bad iyo Biriba laguna soo xadgudbi karin,isagoo sheegay in Soomaaliland ay qeyb ka tahay waxkasta oo lagu hormarinayo Caalamka ayna soo dhaweynayaan cid kasta oo wax la qeybsaneyso ama wada shaqayn ay dhexmarayso.
Cod
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Soomaaliland ay xiriir gaar ah la yeelatay Taiwan sidoo kalena Wafdi ka socday Dowladda Masar ay soo gaareen Hargeysa lana kulmeen Madaxweynaha Soomaaliland & Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here