Soomaaliland oo Mas’uuliyiin u xirtay musuq maasuq

Hanti dhowrka Guud ee soomaaliland ayaa shaaciyay in laba Sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadad qeybta Gobolka Togdheer ay u xireen eedeyn la xiriirta musuq maasuq ay ku kaceen.
Waxaa uu sheegay Hanti dhowrka inay bilaabeen baaritaanka labadaan qof,ee ka howlgalayay kastamka Canshuuraha Gobolka Togdheer,isla markaana howshooda la soo geba-gabeyn doono dhawaan.
Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhawraha guud ee Soomaaliland Sacad Cabdilaahi Riiraash ayaa sheegay in labada qof loo gudbiyay Maxkamadda,isla markaana uu rajeynayo in cadaaladda la marsiiyo.
Sidoo kale Wuxuu sheegay inay baaris ku hayaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaha Maaliyada, Waxbarashada ,Caafimaadka, Dawladda Hoose, Wakaalada biyaha iyo Cisbitaalka guud ee Burco,kuwaasoo uu sheegay in looga shakiyay arrimo la xiriira musuq maasuq.
Soomaaliland ayaa sanadkan 2020 waxaay bilaawday dagaal ka dhan ah musuq maasuqa, waxaana u xiran mas’uuliyiin kala duwan halka kuwo kale horay xukun Xabsi ah loogu riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here