DHAGEYSO:Soomaaliland oo ogolaatay isu socodka Gobolada Soomaaliya

Sida ay baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya masuuliyiinta Somaliland ayaa ogolaatay in aan la siyaasadeyn isku socodka dadka Shacabka ee Soomaaliya iyo Somaliland kuwaasoo aysan ku jirin Siyaasiyiinta labada dhinac.
War kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu faahfaahiyay in kulamadii dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti ee ay yeeshaan madaxda Somaliland iyo Soomaaliya ayna hoggaaminaysay dowladda Jabuuti qodobadii la isla meel dhigay ay ka mid ahayd.
dhinacyada ayaa ku heshiiyay in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xiriiirka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xiriirta dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Qoraalkaan waxaa lagu faah-faahiyay howlaha horyaalla guddiga labada dhinac ee loo qorsheeyay sii wadista shirarka dhab u heshiinta Soomaaliya iyo Somaliland oo uu marti geliye ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle, halka socodsiintiisana loo xilsaaray Wasiirkiisa Arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti.
Xubnaha labada Guddiga waxaa kala hoggaaminayo dhanka Dowlada Fedraalka Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye dhanka Somaliland waxaa horkacaya Wasiirka Arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Wasiirka arimaha dibada oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa faahfaahinaya Talaabadaan ay qaadeen iyo qodobada kale ee laga wada hadlay.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Somaliland ayaa Maanta ku dhawaaqday inay qaaday dhammaan xayiraadii ay soo rogtay ee lagaga hortagayay faafitaanka Cusurka Corona Virus.
Madaxweyne ku-xigeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha la fasaxayay ka mid yihiin Duullimaayada, Ciyaaraha, Waxbarashada, Hotelada iyo Dhammaan waxkasta oo hore loo joojiyay.
Madaxweyne ku-xigeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in keliya dadweynuhu muujiyaan Taxadar dheeraad ah oo looga hortagayo faafitaanka COVID-19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here