Soomaaliland oo shaacisay dadka ku dhintay Shilalkii dhacay 2019-kii

Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland ayaa Maanta shaacisay tirada dadka ku dhintay iyo hantida ku khasaartay shilalkii ka dhacay deegaanada Soomaaliland sanadkii tegay ee 2019
Waxaana Sidaasi Sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland, Cabdilaahi Abokor oo Tilmaamay in shilalkii Sanadkii hore ay ku dhinteen 200 oo qofo 5000 oo qofna ay ku dhaawacmeen, halka hanti ku dhaw laba Milyan oo doolar-na ay ku burburtay.
Isagoo hadal ka jeedinayay Wasiirka munaasad lagu furayay xarumaha baarista badqabka gaadiidka Soomaaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayuu sheegay in Soomaaliland ay keeni doonto siyaabo looga hortagayo shilalka kusii kordhaya degaannadeeda.
Shilalka ugu badan oo ay Warbaahinta daabacday sanadkii tegay kana ee 2019 kana dhacay deegaanada Soomaaliland ayaa waxaay ka dhaceen wadada xiriirisa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,waxaana ku dhintay dad ay mas’uuliyiin ku jireen.
Dhanka kale Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmarka ah ee Coronavirus,kuwaasoo 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta COVID-19 ayaa lagu sheegay in Cudurka laga helay 10 kamid ah dadkaas,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Dadka Cudurka laga helay ayaay Gudigu sheegeen in lix kamid ah ah ay yihiin Ajaanib Shaqooyin kala duwan ka haayay deegaannada Soomaaliland.
Guddiga waxaay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay hada gaartay 765 Ruux 29 Ruux ay u geeriyoodeen halka 518 Qof ay ka bogsoodeen.
Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana arrintaan ay kusoo aaday, iyadoo dhawaan Soomaaliland ay qaaday xayiraadii lagu xakamaynayay faafitaanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here