Soomaaliland oo shaacisay xaalado cusub oo Corona ah.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisanaa Cudurka Safmareenka ah ee Covid 19,kuwaasoo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka halka hal qof uu geeriyooday.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 14 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Dadka cudurka laga helay oo isugu jira 10 Rag ah iyo Afar Dumah ah ayaa waxaay ku kala sugan yiin 10 ruux oo Magaalada Hargeysa jooga 4 Ruux iyaguna jooga Gobolka Saaxil,waxaana dadka la baaray ay da’dooda u dhaxeysaa 20 Sano jira ilaa 80 sano Jir.
Sidoo kale guddiga xakaymaynta Covid 19 ee Soomaaliland waxaay sheegeen in Cudurka uu u geeriyooday hal qof oo da’diisu tahay 80 jir oo deganaa Magaalada Hargeysa, taasoo ka dhigeysa dadka xanuunkan u dhintay deegaanada maamulka Somaliland 6 Ruux.

Qaar ka mid ah dadkaan Soomaaliland ay shaacisay inuu soo ritay cudurka Corona ayaa la sheegay inay yihiin kuwo ajanabi ah oo halkaas ka shaqaysanayay.
Ugu dambeyn Guddiga waxaay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 68 Ruux 7 Ruux ay ka bogsoodeen halka 6 qof ay u geeriyoodeen.
Wasiirka Caafimaadka ee maamulka Hirshabeelle ayaa isna shir jaraa’id oo uu Maanta qabtay wuxuu ku sheegay inay dad hor leh ka xaqiijiyeen dad dheeraad ah oo ku sugan deegaanada maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here