Soomaaliland oo shaacisay Xaalado cusub oo Covid 19 ah

Masuuliyiinta Caafimaadka ee Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay Xaalado horleh oo Cudurka Coronavirus ah kuwasoo laga helay deegaannadeeda, iyadoo sidoo kale ay dad horleh Cudurka ugu geeriyodeen deegaannada Soomaaliland.
War kasoo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 95 qof oo looga shakisanaa Cudurka lagana helay 35 Ruux oo kamid ahaa dadkii baaritaanka lagu sameeyay.
Dadka Cudurka laga haley ayaay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland waxay sheegtay inay kala joogaan 14 Ruux magaalada Boorama,8 Ruux Magaalada Burco, 8 kale Magaalada Hargeysa, laba qof Magalada Berbera, laba kale Magaalada laascanood, halka hal ruux uu joogo Magaalada Allaybaday ,waxaana dadka Cudurka laga helay ay yihiin kuwo aan ka bixin deegaannada Soomaaliland.
Ugu dambeyn Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland waxaay sheegtay in qof Haweenay ah oo qabay Cudurka ay ugu geeriyootay Magaalada Hargeysa ee Caasmada Soomaaliland waxayna noqonaysaa qofkii 15aad ee deegaanada Soomaaliland ugu dhinta cudurka aduunka dhan Saameeyay ee COVID-19.
Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland ayaa waxay hada gaartay 203 Ruux halka ay ka bogsadeen 19 sidoo kale 15 ruuxna ay u geeriyoodeen sida ay shaaciyeen gudiga Caafimaadka ee Soomaaliland.
Wali arimaha Soomaaliland intaanan ka bixin wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya inuu halkaas Xalay ku geeriyooday Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland, oo lagu magacaabi jiray General Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle.
Warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaaa tabisay in Saraakliil ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliland ay sheegeen in Taliye Cabdiraxmaan Fooxle uu xanuun qabtay, isla markaana si deg deg ah loogula cararay Isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, daqiiqado kadibna uu halkaas ku geeriyooday.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu dhambaal tacsi ah u diray, ciidamada kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan ciidanka Asluubta oo Sarkaalkaas uu ka tirsanaa, waxgaradka, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee General Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ku geeriyooday Hargeysa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee Somaliland, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here