Soomaaliland oo sharuuc ka soo saartay dadka xilalka ka soo qabtay DFS

Somaliland ayaa markale ka hadashay qaabkii Ra’isul Wasaare Ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya,Maxamed Cumar Carte qaalib, uu hargaysa u tegay iyo sida ay degaannada Soomaaliland ku tegi karaan mas’uuliyinta xilalka ka Soo qabta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-Saxaafaded kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in shaqi kasta oo kasoo jeeda degaannada Soomaaliland ee xil ka soo qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya uu degaannada Maamulkaas ku tegi karo inuu xilka iska casilo iyo inuu ka tanaasulo mowqifkiisa ku aadan midnimada Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri Muwaadin kasta ee Reer Soomaalland oo Qaranka iyo ummadda ka galay dambi, xilna ka qabtay dowladda Federaalka waxaa kaliya ee lagu saamixi karaa markii uu fagaaro ka cadeeyo inuu iska casilay xilkii kana laabtay fikirkii midnimada Soomaaliya kuna cadeeyo qoraal iyo cod.
Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay uu Magaalada Hargeysa uu ka degay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib uuna sidoo kale iska casilay xubinimadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here