Soomaaliland oo sheegtay inay Xirayso dhamaan Xaduudaheed

Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland ahna gudoomiyaha gudiga qaran ee ka hortaga cudurka Coronavirus ayaa Maanta ku dhawaaqey tallaabooyin ay uga hortagayaan caabuqa COVID 19.
Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland ayaa sheegay in laga bilaabo Maanta rakaabka ka soo degaya garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa la heyn doono muddo 14 Cisho ah lana karantiili doono.
Wasiirka ayaa intaas ku darey in dhamaan Soomaaliland ay xireyso laga bilaabo Maalinta Beri ah xaduudaheeda kaliyana la soo gelin karo Raashinka, shidaalka iyo dawooyinka,sidoo kalena ay geeynayaan Ciidamo farabaan dhamaan meelaha Muhiimka ah.
Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in la fasaxay Shaqaalaha Xukuumadda marka laga reebo Shaqaalaha Garoomada diyaaradaha , dekedaha , bangiga iyo qeybo kamida shaqaalaha wasaaradaha ay ka mid yihiin caafimaadka,warfaafinta , iyo shaqaalaha dawladaha hoose,sidoo kalena Shaqaalaha qaar ayuu ku amrey inay guryahooda ku Shaqeeyaan.
Soomaaliland ayaa sheegtay inay aad uga digtoonaatay cudurka coronavirus,waxaana qaar kamid ah gobolada Soomaaliland la geeyey dhaqaatiir kala duwan, oo dadka ka karantiilaay Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here