DHAGEYSO:Soomaaliland oo sheegtay inay xirtay dad lagu eedeeyay inay faafinayeen diinta kirishtaanka

Booliska Soomaaliland ayaa shaacisay in howlgal ay sameeyeen toddobaadkaan ay ku soo qabteen laba ruux oo lagu eedeeyay inay degaannada Soomaaliland ku faafinayeen diinta kirishtanka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in labada qof ay ahaayeen dad ka baxay diinta Islaamka,sidoo kalena dadka ku dhex faafinayay Diinta Kirishtaanka.
Waxaa uu sheegay in labada qof ay qabteen ay yihiin kuwo Qur’aanka Kariimka iyo Cilmiga kale ee diinta Islaamkaba si wanaagsan u yaqaaneeyn,isla markaana ay u gudbiyeen Maxkamadda si Cadaaladda loo marsiiyo.
Waxaa uu ugu baaqay dhamaan dadka ku nool degaannada Soomaaliland inay ka feejignaadaan falalka noocaas oo kale ah cid allaala cidii aragtana Booliska ay si deg deg ah ugu soo wargeliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here