Soomaaliland oo Xaalado Cusub Shaacisay

Masuuliyiinta Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Covid 19, oo baaritaano lagu sameeyey kadib qaarkood laga helay Cudurka.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 17 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaasoo haatan ku jira xaalado karantiil ah.
Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 14 Rag ah iyo Saddex Dumar ah ayaa waxaay ku kala sugan yihiin 6 Ruux Magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland, halka 11 kalena ay ku sugan yihiin Magaalada Burco ee xarunta gobolka Toghdeer.
Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 oo deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay laga soo sheegay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista ka dhanka ah Cudurka COVID-19.
Ugu dambeyn Guddiga Xakamaynta Covid 19 ee Soomaaliland waxaay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 430 Ruux 64 Qof ay ka bogsoodeen halka 24 Ruux oo kalena ay u geeriyoodeen cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here