Soomaaliland oo Xaqiijisay Xaalado Cusub oo Covid 19

Masuuliyiinta Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Covid19,kuwaasoo baaritaano lagu sameeyey kadib qaarkood laga helay Cudurka.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 17 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaasoo haatan dhamaantooda ku jira xaalado karantiil ah.
Baaritaanka 24kii saacadood ee ugu danbeeyey la sameeyey waa 74
Todaba iyo toban qof (17) oo dadkaas ka mid ah ayaan laga helay xanuunka, 17 kuba waa Muwaadiniin reer Somaliland ah Sidoo kale Bukaanadaan 10 qof waa rag, halka 7-da kalena ay dumar yihiin
Da’da Bukaanadan cusub ee Soomaaliland lagu shaaciyay 24 saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxay gudigu ku sheegeen inay u dhaxaysaa:
(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 8 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(100jir ilaa 109jir = 1 qof)
Bukaanadan waxaay kala degan yihiin: Hargeysa 10 qof iyo Burco oo ah 7 qof
Waxaa xanuunka ka bogsaday 7 qof taasoo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay cudurka deegaanada Soomaaliland (80)
Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Magaalada Hargeysa, ee Xarunta Soomaaliland da’diisuna ahayd 104 jir, taasoo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland Lix iyo Labatan (26).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here