Soomaaliland oo xukun ku riday nin dil iyo Kufsi ku eedaysnaa

Maxkamadda gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaay xukun dil toogasho ah ku riday Nin lagu Magacaabo Sakariye Cabdi Yuusuf,oo la sheegay in lagu helay fal isugu jira kufsi & dil.
Ninka la xukumay ayaa loo heystaa fal kufsi iyo dil ahaa oo Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer loogu geystay 11-kii Bishii Oktoober ee sanadkan Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, oo ahayd Hooyo heysatay Saddex Carruur ah, sidoo kalena dhignayesay Jaamacadda Magaalada Burco.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa sheegay in, kaddib cadeymo iyo marqaatiyaal loo helay kiiska Ugbaad Cali falkaasi loogu xukumay dil toogasho Sakariye Cabdi Yuusuf oo lagu helay danbigii lagu soo eedeeyay
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horay u sheegay inaan laga hari doonaan qofka lagu helo kiiskaas Foosha Xun eek a dhacay Magaalada Burco Bishii October, isagoo amray in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay Falkaas.
Cabdinaasir Cali Cabdullaahi oo la dhashay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi ayaa horay u sheegay in walashiis sixun oo Arxan daro ah loo dilay, kaddib markii dhulka Madaxeeda lagu garacaay, sidaasina ay ku dhimatay.
Degaano badan oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay sanadkaan iyo Sanadkii Horeba falal isugu jiray kufsi iyo dil loo geystay Gabdho aad u yaryar, waxaana aad u yar dad loo qabtay ama loo maxkamadeeyay kiisaskaas marka laga reebo kiisas aad u yar oo kan Maanta la Xukumay uu ka mid yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here