Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo ka wada hadley fulinta mashaariic

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan oo la kulmay Madaxda Baanka Aduunka u qaabilsan Soomaaliya, ayaa waxay wada-hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa Ganacsiga Soomaaliya sidoo kalena looggu abuuri lahaa mashaariic lagu horumarinaayo Ganacsatada dalka.
Wasiirka iyo Madaxda Baanka Aduunku, waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay horumarinta Awooda, jiritaanka iyo hal-abuurka Ganacsiga Soomaaliya iyada oo loo marayo hababka casriga ah ee loo horumariyo ganacsiyada Aduunka.
Cabdullaahi Cali Xasan oo uu wehelinaayey Axmed Cilmi Muxumed oo ah la taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, ayaa Madaxda Baanka Aduunka uga mahad-celiyey kulankan qiimaha badan, waxaana ay isla af-garteen in si wada-jir ah looga shaqeeyo horumarinta Ganacsiga Soomaaliya.
Madaxda Bangiga Aduunka ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kala Shaqeynayeen sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here