Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka hor imaaday qaraar lagu taageeray Masar

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiday inay ansxiyaan qaraar kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Masar oo xiisad la xiriirta webiga Nile ay kala dhaxeyso Itoobiya.
Qaraarkan ayaa ku baaqayaa in Itoobiya ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka ay ka sameysay Webiga Nile, inta ay heshiis buuxa kala gaareyso dalalka Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda
Masar oo soo gudbisay Qaraarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa ansixiyey dhammaan wasiirada arrimaha dibedda ururka marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti.
Xukuumadda Soomaaliya ma aysan shaacin sababta ay u diiday qaraarkii shalay, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in 23-kii March ay Soomaaliya mawqif dhexdhexaad ah ka qaadatay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.
Sidoo kale, Cawad oo hadal ka jeediyey kulankii shalay, oo lagu qabtay qaab muuqaal online ah, ayaa ugu baaqay Masar, Itoobiya iyo Suudaan inay qaab wada-hadal ah oo faa’iido u wada ah, ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya.

Itoobiya ayaa sheegtay inay bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xireenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto Sudan, oo uu ku qul-qulo webiga Nile.
Masar, oo webiga Nile u yahay isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool, ayaa diidan in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis laga garin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here