Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay hormarinta beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka beeraha ee labada dal.
Saciid Xuseen Ciid wasiirka Wasaaradda Beeralaha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in wax badan oo ka mid ah Heshiisyo ay labada dowladood horay u galeen la fuliyay kuwo kalena hadda ay qorsheyaashoodu socdaan.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka Dowlada Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa daahfuray Ololaha wejiga labaad ee buufinta iyo la dagaalanka Ayaxa oo laga fulin doono Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Olalaha uu wasiirka Beeraha Soomaaliya Daahfuray ayaa waxaa laga fulinayaa deegaano uu Ayaxu fara ba’an ku hayo oo ku yaala Maamaamul Goboleedyada Hirshabeelle,Koonfur Galbeed iyo Jubaland waxaana ka qayb qaadanayo kooxo loo tababaray la Dagaalanka Ayaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here