Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada Khaartuum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Suudaan Therese Loken Gheil waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Norway.
Intuu socday kulankooda waxay danjireyaasha labada dhinac ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway oo dhinacyo badan leh.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka Safiirka Soomaaliya ee Suudan ayuu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Suudaan haweeneyda lagu magacaabo Therese Loken Gheil.
Wuxuu sheegay inuu kulankaasi ahmiyadda weyn lahaa sidoo kalena is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway iyo sidoo ay dowlada Norway uga qayb qaadan lahayd Hormarinta Kaabayaasha Muhiimka ah ee Soomaaliya.
Dowladda Norway ayaa kamid ah wadamada taageera dalka Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here