Soomaaliya iyo QM oo heshiis kala saxiixday

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo QM ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi ah oo lagu hagayo howlaha ay Qaramada midobay ee dalka Soomaaliya ka fuliso.
Heshiiskaan ayaa la doonayaa in lagu hago tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya iyo QM sida wada jirka ah u fulinayaan 5 Sano ee Soo socota si guud ahaan dadka Soomaaliyeed wada ugu gaaraan hormar iyo nabad waarta.
Heshiiska Iskaashiga Hormarinta Waarta ee QM ayaa ee UNICEF ayaa lagu qabtay magalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana dhanka dowladda Soomaaliya uga Qaybgalay Siihaya Xilka Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Qadar iyo sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaarada Qorshaynta,Hormarinta dhaqaalaha iyo Maalgalinta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan.
Heshiiskaan iskaashiga ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa lagu Tilmaamay mid Ahmiyad Weyn u leh qorsheyaasha Hormarined ee dalka Soomaaliya ay dowladda dhexe ka fulinayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here