Soomaaliya iyo Rwanda oo isku furaya Albaabada ganacsiga

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal
Soomaaliya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salad halka dowlada Rwanda uu u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Claver Gatete.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salad ayaa aad u soo dhoweeyay horumarka uu gaaray dalka Rwanda isagoo ku tilmaamay in heshiiskan uu xoojin doono ganacsiga labada dal
Sidoo kale Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal.
Dalka Soomaaliya ayaa hormar ka samaynayaa dhinaca xiriirka dalalka caalamka ee dhinaca isgaarsiinta hawada iyadoo diyaarado laga leeyahay wadamada Kenya,Jabuti,Turkey,Qadar,Uganda iyo Ethiopia ay duulimaadyo ku tagaan garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here