Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Heshiis Kala Saxiixday

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulamo la yeeshey madaxda dalkaasi waxayna ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Xajka iyo Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkasta wadankaas booqda.
Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka wasaarada awqaafta iyo Arrimah Diinta Soomaaliya ayaa sheegay isagoo jooga magaalada Barakaysan ee Makka Al-mukaramah inuu kulan la qaatay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada dalka Sucuudiga,isagaa xusay inay kala saxiixdeen heshiis la xiriira wadashaqaynta Arrimah Xajka ee Sanadka 2020.
Wasiirka ayaa sheegay inay ku heshiiyeen sidii loo xalin lahaa dhamaan caqabadihii ay Xujayda Soomaaliyeed ee soo Xajinaysa la kulmeen Sanadka 2019
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii ugu danbeeyay ku guuleysatay in waxbadan laga bedelo adeegyadii loo qaban jiray xujeyda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here