Soomaaliya iyo Sudan oo arimo muhiim ah ka wada hadlay.

Wasiirka wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfa oo magaalada Khartoum ee Caasimada dalka Sudan kaga qeybgalay shir heer Wasiir oo ay isugu yimaadeen wasiirada dalalka ku bahoobey Urur-gobolleedka IGAD ayaa halkaasi ka bilaabey kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo qaar ka mid ah Masuuliyiinta dalkaasi.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka isu socodka dadweynaha iyo ganacsiga gobolka Geeska Africa ,waxaana Wasiirka uu kulan dooceed la qaatay dhiggiisa Suudaan, Lena el-Sheikh Omer Majhoub iyagoo isla soo qaaday wadashaqaynta labada Wasaaradood iyo iskaashigooda.
Kullanka inta uu socday ayay labada mas’uul diiradda ku saareen xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, iyadoo mas’uuliyiinta ay ku dheeraadeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.
Wasiir Sadiiq warbaahinta dowlada la hadlay ayaa faahfaahiyay muhiimada kulankaasi iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Wasiir shaqaalaha iyo arimaha bulshada Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaaf ayaa sidoo kale wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Xubnaha Wasiirada ka socda dalalka IGAD ee Shirkaasi ka qeyb galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here