Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Axad ah, booqasho sharafeed ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Dr. Cabdalla Adam Hamdok.
Intii ay ku guda-jireen kulanka ayaa waxa ay uga wada hadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya, kaasoo ka turjumaya daacadnimada rabitaanka iyo waxtarka dadaalka lagu horumarinayo iskaashiga wadajirka iyo muhiimadda ay leedahay isku duwidda.
Xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan waa mid lagu garto xushmad is-dhaafsi, is oggolaansho dhowr arrimood oo heer caalami ah iyo mid goboleed oo labada dalba muhiimad gaar ah u leh.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa dalka suudaan waxaa uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda arrimaha dibadda dalalka IGAD,kaas oo looga hadlay arrimo muuhim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here