Soomaaliya oo dib u howlgalisay Machadkii Diblomasiyada.

Wasiirka wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xariga ka jaray Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliyeed oo dib loo dhisay, waxaana maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta ee dalka Qatar.
Mashruuca oo qaatay in ka badan muddo sanad ah ayaa waxaa la dhagax dhigay 18 bishii August, ee Sanadkii 2018 , kadib furitaankiisa waxaana loo arkayaa inuu yahay bilow cusub oo waayaha diblomaasiyadda Soomaaliya si loo tababaro jiilka dhalinyaro soo baxaysa oo awood u leh la falgalka arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka intaba.
Dhismahii horee weynaa ee Machadka iyo Maktabaddiisii ayaa waxay weli hooy iyo gabaad u yihiin tobaneeyo qoys oo barakacayaal ah oo muddo 28 sano deegaan u ah kadib qaran burburkii dalka Soomaaliya.
Xafladda furitaanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta,Maalgeshiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha, Soomaaliy Danjire Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, qaar ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka iyo safiirro kale.
Hadal uu ka jeediyay xafladda furitaanka ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu carabka ku adkeeyay in howsha dib u dhiska Machadka diblomaasiyadda ay tusmo cad u tahay tallaabooyinka waa weyn ee Soomaaliya ay u qaadday dib u dhiska hey’adaha dowladeed ee ku burburay dagaallada sokeeye, iyadoo lala kaashanayo dowladaha walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada caalamiga.
waxa uu uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada mashruucan guulaystay, isagoo tilmaamay kaalinta Shiinaha uu ka qaatay dib u dhiska iyo qalabaynta xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya.
waxa uu carabaabay tixgelinta iyo mudnaanta uu u hayo dowladaha Turkiga iyo Sweden oo tababaro u fidiya diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.
Wasiirka waxa uu abaal-marin xusuus leh uu guddoonsiiyay wakiilka Sanduuqa Qatar ee Horumarinta, Mudane Mohamed Ahmed Al-imadi, iyadoo sidoo kale shahaado sharaf uu guddoonsiiyay Safiirka Qatar Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim.
Dowladda Qatar ayaa ka fulinaysa Soomaaliya dhowr mashaariic oo waxgal leh , faaidana u leh bulshada, xilli ay ku horeyso kaalmaynta shacabka xilliyada adag ee ay dhacaan masiibooyin dabiici ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here