Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda federaalka soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qin Jian.
Labadan mas’uul ayaa intii uu kulanka socday waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.
Wasiir Cawad waxa uu carabka ku adkeeyay inuu xiriir toos ah la leeyahay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dalka China oo ah goobta uu firuusiga ‘coronavirus’ uu ka soo billowday.
Waxaa uu Axmad Ciise Cawad sheegay in wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay kaashan doonta Dowladda Shiinaha iyo Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Beijing si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo gaarsiiyo ardaydaasi waxa ay u baahan yihiin.
Sido kale waxaa uu wasiirka u xaqiijiyay Safiirka Shiinaha in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda iyo dadka wadankaas xilligan adag, iyadoo si weyn ay uga shaqaynayaan xakamaynta faafidda ‘coronavirus’, waxaa uuna u rajeeyay in ay ku guulaystaan cirib tirka caabuqa Corona.
Dhanka kale wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiil goboleedka Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan la dagaalanka maandooriyaha iyo dembiyada (UNODC), Dr. Amado Philip de Andrés.
Waxaa ay isla eegeen dhinacyada iskaashiga iyo iskuduwidda xakamaynta maandooriyaha iyada oo la raacayo heshiisyo la saxiixay oo la taabbagalaya istiraatiijiyadda qaran ee la dagaalanka maandooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here