Soomaaliya oo ka aamustay Canbaaraynta Jaamacada Carabta ee Dalka Turkiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ka gaabsaday war-murtiyeedkii kasoo baxay kulankii Wasiirrada Jaamacadda Carabta oo ku aaddanaa howl-galka Milatari ee uu Turkiga ku qaaday Waqooyiga Dalka Suuriya.
Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar Towfiiq Axmed C/laahi oo kulanka Jaamacada Carabta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga uu Saaxiib dhow la yahay Soomaaliya, kana caawiyay waxyaabo badan, sidaa daraaddeedna aysan qayb ka noqonayn war-murtiyeedka Jaamacadda Carabta ee ku saabsan Canbaaraynta howl-galka Turkiga ee Waqooyiga Suuriya.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inay Jaamacada Carabta Garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed, xilliyadii adkaa ee la soo maray.
Danjire Towfiiq, ayaa xusay in sidoo kale ay jiraan saaxiibbo Carbeed oo sida Turkiga oo kale ka taageeray Soomaaliya xagga dib u dhiska Ciidamada iyo xasilloonida Dalka.
Wuxuu sheegay inay mar walba Soomaaliya Garab taagan tahay shacabka Suuriya, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara loo helo mushaakilka siyaasadeed ee ka aloosan gudaha wadanka Suuriya.
Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar, Towfiiq Axmed, ayaa xalka keliya ee Suuriya ku tilmaamay mid siyaasadeed, laguna dhameeyo wada hadal ay dhinacyada is haya ka qeyb galaan, sida uu qabo cahdiga Jaamacadda Carabta.
Kulanka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacada Carabta oo ku saabsanaa howl-gallada Milatari ee uu Turkigu ka wado Waqooyiga Suuriya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Shalay Magaalada Qaahira, waxana shir Guddoomiyay Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Ciraaq Muxamed Cali Al-xakiim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here