Soomaaliya oo ka hadashay shir ay ka qayb gali lahaayeen oo CoronaVirus awgiis u baaqday

Dowlada Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixisay shir ay kaga qayb gali lahaayeen dalka Mareykanka oo loo baajiyay sababo la xiriira Xanuunka Aduunyada ku faafaya ee CoronaVirus.
waxaa la filayay in Magaalada Houston Gobolka Texas ee dalka Maraynkanka dhawaan lagu qabto Shir looga hadlayo Arrimaha Shidaalka,waxaana shirkaasi ka qeyb-geli lahaa Wafdi ka socda Dowoladda Fedraalka Soomaaliya,hayeeshee shirkaas dib loo dhigey badqabka aadanaha dartiisa.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya Cabdi Rashiid Maxamed Axmed oo Soomaaliya Shirkaasi kaga qeyb-geli lahaa kuna sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in Soomaaliya sanadkii labaad uu u noqon lahaa ka qeyb-galka shirkaan,hayeeshe loo joojiyey sababo la xiriira Cudurka dalal badan oo caalamka ah ku faafay ee Coronavirus.
Waxaa uu sheegay Wasiirku in Shirkaasi uu muhiim u yahay Soomaaliya kana soo qeyb-geli lahaayeen shirkado badan oo Soomaaliya u sahli lahaa inay xiriir la sameyso si ay dalka uga baaraan Shidaalka ku jira.
Sidoo kale Wasiirka wuxuu intaas ku darey in isaga iyo Wafdiga la socda maadama shirkaasi uu ka baaqdey lana qorsheeyey inuu qabsoomo Bartamaha Bisha soo socota ay kulamo kala duwan la yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka ugana warbixiyeen howlaha Wasaaradda ee ku saabsan Arrimaha Batroolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here