Soomaaliya oo ka mid ah meelaha maanta laga xusayo maalinta Qaxootiga aduunka

Maantoo Taariikhdu ay ku began tahay 20 Bisha June waxaa Dunida laga xusayaa Maalinta Qaxootiga Aduunka,Soomaaliyanaa waxay ka mid tahay dalalka laga xusayo maalintaan.
Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada kale ee dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta lagu qabto Munaasabado lagu xusayo Maalinta Qaxootiga Aduunka,waxaana ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabaddahaan inta ay socdaan waxaa lagu soo bandhigi doonaa dhibaatooyinka heysta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka,Dibadiisa iyo sida ay uga gudbi karaan marxaladaha adage e ay wajahayaan.
Sidoo kale Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu qabto munaasabada Maalinta Qaxootiga Aduunka,waxaana ka qeyb geli doona mas’uuliyiin maamul goboleedyada
Soomaaliya ayaa kaalmaha hore kaga jirta dadyoowga Caalamka ee ugu badan kwaasoo Qaxootiga ah,waxayna dad Soomaali ah oo farabadan kana qaxay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ay ku sugan yihiin daafaha Caalamka haba ugu badnaadaan wadamada deriska la ahd alka Soomaaliya.
Xerooyinka ay qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ku nool yihiin ayaa waxaa ka mid ah ah Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya wallow snaadihii ugu danbeeyay ay isdhimaysay Tirada qaxootiga ah ee halkaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here