Soomaaliya oo ka qaybgalaysa kulanka ururka Islaamka.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda aadanha ee dowlada Fedraalka Somaaliya Deeq Saleemaan Yuusuf ayaa waxaay gaareen dalka Sacuudiga, waxayna halkaasi kaga qaybgalayaan shir ay isugu imaanayaan Xubno ka socda wadamada ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka ee Magacooda loo soo gaabiyo OIC.
Wafdigan oo maalmaha Soo socda ku sugnaan doonaan dalka Sacuudiga ayaa waxaay ka qeyb-geli doonaan shirka khubarada Wasaaradaha Haweenka ee dalalka Ururka Iskaashiga Wadamada Islaamka oo dhowaan ka furmi doona magaalada Jiddah ee wadanka Sacuudiga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda aadanha ee Xukuumadda Somaaliya Deeq Saleemaan Yuusuf ayaa sheegay in Shirkaasi uu yahay mid Soomaaliya uu muhiimad weyn u leeyahay gaar ahaan dhanka horumarinta Wasaaradaha Haweenka iyo ilaalinta Qoyska ee dunida Islaamka.
Agaasimaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jiddah ee wadanka Sacuudiga waxaa uu sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doonaa madax ka tirsan dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Sacuudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here