Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Madasha Qaxootiga aduunka.

Shirka 70-aad ee hay’adda qaxootiga adduunka ayaa maanta ka furmaya magaalada Geneva ee Xarunta dalka Switzerland waxaana ka qeybgalaya wafuud heer caalami ah oo ka socda doowlada Fedraalka ee Soomaaliya.
Shirka ayaa Sanadkaan waxaa diirada lagu saaraya arrimaha qaxootiga iyo dhibaatooyinka heysta dadka barakacay sidii xal loogu heli lahaaa nolol cusubna loogu sameyn lahaa dadkaasi.
Soomaaliya ayaa waxaa shirka ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxaana la filayaa in madashaasi ay qudbad ka jeediyaan wafdiga ka socda Soomaaliya ayagoo diirada ku saaraya Xaaladaha dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah wadamada Dariska iyo kuwa gudaha dalkooda ku barakacay.
Hay’adda qaxootiga adduunka ayaa sheegtay in dhibaatooyin xoog leh ay wajahayaan dadka qaxootiga ah ayna u sii dheertahay mustaqbal la’aan heysata jiilalka ku dhasha qaxootiga iyo sidoo kale Cafimaad daro arimahaasi oo dhamaantooda u baahan in waxbadan laga qabto maadaama ay ku lumikaraan Jiilal badan oo hada aysan wali muuqan wadadi Mastaqbalkooda ku haboonayd.
Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ugu badan ee dadkooda Qaxootiga yihiin kuwaasoo in badan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin xerooyin ku yaala wadamo Daris ah halka kuwa kalena ay barakacayaal ku Yihiin gudaha dalkooda ayna u baahan yihiin Mustaqbal iyo in wax laga qabto xaaladaha adag ee ay wajahayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here