Soomaaliya oo loo doortay xubinta Africa ee Gudiga doorashooyinka aduunka.

Xubno ka mid ah guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqdaan Guddiga fulinta Ururka Guddiyada doorashooyinka Adduunka, kadib qeyb-galkii shirka Caalamiga ah ee guddiyadaas oo lagu qabtay Magaalada Bangaluru ee dalka Hindiya.
Soomaaliya ayaa sidoo kale shirkaasi waxaay Qaaradda Afrika ku mataleysay Ururka ay ku mideysanyihiin Guddiyada Doorashooyinka Caalamka oo ay ku jiraan 106 dal iyo 140 Hay’adood ,waxana Guusha Guddiga ay gaareen shaaciyay Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed.
War ka soo baxay gudiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ka mid yahay ururo caalami ah iyo kuwa goboleed oo ay ku bahoobeen ururada doorashooyinku, sida Guddiyada doorashooyinka Africa, kan carabta iyo midka adduunka.
Ujeeddooyinka ka mid noqoshada ururadan waxaa ugu muhiimsan in Gudiga Madaxa ee Doorsahooyinka Qaranka Soomaaliyeed uu helo khibrad iyo aqoon ku filan oo uu howshiisa ku qabto iyadoo ururadaan ay yihiin madal aqoon wadaag iyo mid khibrad kororsi, sidoo kale wuxuu Guddigan arrinkan uga gol leeyahay in uucodka Soomaaliya gaarsiiyo daafaha caalamka, hay’adaha dowladeed ee Soomaaliyana ay noqdaan kuwa ka dhex muuqda ururadaas iyo shirarka caalamiga ah.
Ayadoo dhamaan qodobadaasi laga duulayay ayuu gudigu sheegay in gudoomiyahooda Marwo Xaliimo Ismaciil Ibrahim ay shirka Hay,adaha Doorashooyinka adduunka (Association of World Election Bodies)A-WEB, ee xaruntoodu tahay dalka kooriyada Koonfureed, uga qeyb galeen magaalada Bangaluru ee wadanka India, shirkan oo soconaya inta u dhaxeysa 2 ilaa 4 Setember /2019, waxaa kulamo ku yeeshay Golaha Guud iyo Guddiyada Fulinta waxaana looga hadlay adeegsiga baraha bulshada ee doorashooyinka (caqabadaha iyo fursadaha), ayadoo halkaas ay bandhig ka soo jeedisay Gudoomiye Xaliimo oo muujisey sida Somaliya ay uga go’an tahay doorasho cod iyo qof ah dhamaadka 2020, isla markaana soo bandhigtey fursadaha baraha bulshada ee internetka ay ku yeelan doonaan doorashooyinka Soomaaliya.
Intii uu shirku socdey waxaa Soomaaliya loo doortey inay noqoto xubin ka mid ah Guddiga Fulinta ee ururka Hay’addaha doorashooyinka adduunka.
Arrinkan oo si weyn loo soo dhaweeyay ayaa yimid ka dib markii wafdiga Soomaalidu ku qancisay ka soo qeyb-galayaasha shirka isbaddalka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadeed Soomaaliya ka jira.
Waxayna Somaliya noqotey xubinta Africa u matasha golaha fulinta, gudiga doorashooyinka Soomaaliya ayaana sheegay inay arrintaan albaabka u furi doonto Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya inay taageero aqooneed iyo mid khibradba ka helaan Guddiyada la midka ah ee aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here