Soomaaliya oo Maanta Furaysa Duulimaadka Dibadda

Kaddib Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada xilka siihaya ee Soomaaliya 30-kii Bishii la soo dhaafay ee July Ayaa waxaay ku dhawaaqeen in dib loo furayo duulimaadyada Caalamiga ah oo dowladda u joojisay ka hortegida faafitaanka Cudurka Coronavirus oo Xaalado kamid ah laga helay Soomaaliya.
Dowladda ayaa Duulimaadyada Caalamiga ah waxaay joojisay 16-kii Bishii Maarso ee sanadkaan, kadib markii kiisaska Cudurka Coronavirus laga helay dalka,waxaana xigtay in 28-kii isla Bishaas la joojiyay duulimaadyada Gudaha Soomaalya walow dhawaan dib loo furay.
Maanta oo Isniin ah kuna beegan 3-da Bisha Agoosto ayaa dowladda horay u shaacisay in dib loo furayo duulimaadyada Caalamiga ah,waxaana Maanta la filayaa inay si toos ah u bilaawdaan diyaaradaha imaan jiray Soomaaliya iyo kuwa ka bixi jiray.
Dhinaca kale Qoraal ay soo saartay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadka dalka soo galaya laga doonayo inay haystaan shahaado caafimaad oo muujineysa inay iska baareen cudurka COVID-19, lagana waayey.
Intii ay xirnaayeen duulimaadyada Caalamiga ah ayaa waxaa ka dhashay saameyn dhaqaale iyo mid Bulsho,waxana Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya uu sheegay in dhaqaale farabadan ay ku weysay dowladda Soomaaliya oo markii hore soo geli jiray,sidoo kalena Soomaali farabadan ay ku xayirmeen qaar kamid ah wadamada Caalamka walow dowladda qaarkood ay dib ugu Soo celisay dalka halka kuwa doonaya inay dalka dibadiisa aadaan ay Gudaha wadanka ku xayirnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here