Soomaaliya oo sheegtay inaynan diyaar u ahayn inuu sii kordho khilaafka Kenya kala dhexeya

Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa carrabka ku dhuftay inay Somalia doonayso inay xiriir wanaagsan la sii lahaato wadanka dariska la ah ee Kenya.
Wasiir Cawad waxa uu wax lagu qoslo ku tilmaamay wararka sheegaya ina Dowladda Kenya la safan tahay Maamul-gobaleedyadda Somalia.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa u muuqda mid lagu qaboojinayo Khilaafka diblomaasiyadeed ee labada Waddan.
Khilaafka Somalia iyo Kenya ayaa waxa asaas u ahaa muranka Xuduud-baddeedka ee Badda Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here