Spain oo kordhinaysa xayiraadda jirta

Ra’iisul wasaaraha dalka Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in baarlamaanka wadankaas uu weydiisan doono inay ka ogoladaan kordhinta mudada xayiraadda dhanka isku socodka ee horay loo soo rogay.
Waxaa uu doonaya in amarkan uu sii shaqeeyo ilaa 21-ka bisha lixaad ee sannadkan.
Kulan dhanka online ah oo uu la yeeshay hoggaamiyaasha gobollada ayuu Mr. Sanchez ka sheegay inay noqonayso marka ugu dambeeyay ee Spain xayiraad la saaro.
Waxaa uu go’aankan ku saleeyay in faafitaanka fayraska Corona uu yaraaday.
Shalay ayay ahayd markii 4 kiis oo dhimasho hor leh laga soo tabiyay Spain taasoo dhimashada guud ka dhigtay 27,125.
Kiisaska coronavirus ee gudaha wadankaas waxaa ku kordhay 271 waxaynba gaareen 239,228

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here