Spain oo laga diiwaangeliyay 435 ah kiisaska dhimasho ee coronavirus

Dowladda Spain ayaa shaaca ka qaadday in 24-tii saacadood ee la soo dhaafay la diiwaangeliyay kiisas cusub oo dhimasho ah oo gaaraya 435 Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sare u kaca dhanka kiisaska labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sheegtay boqolkiiba 2.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha Spain cudurka Covid-19 ee uu sababo caabuqa Coronavirus ugu dhintay 21,717 qof.
Kiisaska caabuqa ee halkaas laga xaqiijiyay waxaa ku kordhay 4,211 waxayna hadda yihiin 208,389.
Guud ahaan caalamka cudurka Covid-19 ayaa haleelay in ka badan 2.5 milyan oo qof waxaana u dhintay 170,000 ruux sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here