Spain oo soo afjartay xaalad degdeg oo jirtay

Dowladda dalka Spain ayaa maanta soo afjartay xaalad degdeg oo halkaas ka jirtay taasoo lagu xakameynayay faafitaanka caabuqa corona.
Waxay wararku intaa ku darayaan in Spain ay xuduudeeda u furtay in badan oo ka mid ah wadamada qaaradda Yurub waxaana jiro dad ka soo degay garoonka magaalada Madrid.
Shalay ayay dowladda Spain sheegtay in dalxiisayaasha ka imaanaya Ingiriiska aan wax karantiil ah la gelin doonin hasa ahaate 14 cisho meel gaar ah lagu haynaya.
Gudaha dalka Spain waxaa laga xaqiijiyay in ka badan 245,000 oo ah kiisaska caabuqa coronavirus iyo dhimasho ah ugu yaraan 28,000 waxayna toddobaadyadii ugu dambeeyay fududeynaysay xayiraadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here