Sri Lanka oo dalkeeda ka mamnuucday kooxo lagu eedeyay qaraxyadii dhacay

Madaxweynaha dalka Sri Lanka Maithripala Sirisena ayaa gudaha wadankaasi ka mamnuucay laba koox oo isku tilmaamo islaamiyiin kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ka dambeyeen qaraxyadii saameynta yeeshay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ilaa iyo 8 qarax oo ka dhacay Sri Lanka lagu dilay 253 qof halka 500 oo kalena ay dhaawacmeen.
Waxaa weeraradaasi oo mas’uuliyadooda ay sheegatay kooxda la magacbaxday khilaafada islaamiga ee ISIS lala eegtay kaniisado iyo maqaayado dhowr ah.
Kooxaha Sri Lanka laga mamnuucay ayaa lagu kala magacabaa The National Thawheedh Jamaath (NTJ) iyo Jamathei Millathu Ibrahim.
Tallaabada lagu mamnuucay ayaa qeyb ka ah awoodda madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena uu u adeegsan karo la tacaalidda xaaladaha degdega ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here