Sri Lanka oo Maraykanka ka heshay deeq ah 480 milyan oo doolar

Qaar ka mid ah saraakiisha wadanka Sri Lanka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in Maraykanka uu wadankaasi ugu deeqo 480 milyan oo doolar.
Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Sri Lanka , Maithripala Sirisena uu qorshahan ka soo horjeeday uu go’aankiisi wax ka beddelay.
Dhaqaalahan ayaa lagu maalgelin doonaa in lagu sii wanaajiyo kaabayaasha waddooyinka iyo maareynta isku socodka gaadiidka.
Wasiirka maaliyadda ee Sri Lanka ,Mangala Samaraweera oo bayana soo saaray ayaa deeqdan soo dhaweeyay isagoo xusay inay wax weyn uga dhigantahay horumarka dalkiisa.
Maraykanka ayaa sannadkii hore la filayay inuu dhaqaalahan soo saaro balse dib ayaa loo dhigay markii shaqada laga eryay ra’iisul wasaare Ranil Wickremesinghe, lagu baaqay doorasho xilligeedi laga soo hormariyay taasi oo sababtay jahawareer dhanka dastuurka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here