Suldaankii xukumaayay Cuman 50 sano oo geeriyooday

Dowladda Cumaan ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday Qaabuus Binu Saciid oo ahaa hoggaamiyihii guud ee dalkaasi.
Suldaanka ayaa dalkaasi xukumaayay 50 sano, isagoo sannadkii 1970kii afgembi oo aan dhiig ku daadan xilka kagala wareegay aabbihii.
Waxaa uu ku geeriyooday boqorka da’da 79 sano.
Boqorkaan ayaan waligiis guursan sidaasi darted qof dhaxlayo majiro.
Sultaan qaamus ayaa geeriyooday xalay gelinkii dambe balse geeridiisa ayaa warbaahinta ka war heshay saacado ka hor.
Saddex maalmood oo baroordiiq ah ayaa lagu dhawaaqey, sidoo kale 40 maalmood ayaa calanka hoos loo dhigayaa.
Sida uu qaba sharciga hoos taga baqortooyada guddiga qoyska suldaanka oo ka kooban 50 rag oo xubin ka ah qoyska ayaa saddex bari ku soo dooran doono suldaan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here