Suudaan iyo Eritrea oo ku heshiiyay iskaashi dhanka amniga

Dowladaha Suadaan iyo Eritrea ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya inay iska kaashadaan dhinacyada amniga iyo gaashaandhigga.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu soo gabagabeeyay safar rasmi ah oo uu sabtidii ku tagay Suudaan.
Markii madaxweyne Afwerki uu ka soo tagayay gagida diyaaradaha ee magaalada Khartoum , ayay wasiiradda arrimaha dibadda ee Suudaan Asma Maxamad Cabdullahi shaaca ka qaadday warmurtiyeed ay labada dhinac si wada jir ah u soo saareen oo qeexaya heshiiska la gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here