Suudaan oo 29 qof dilal ku xukuntay

Maxkamad ku taalla dalka Suudaan ayaa xukunno dil ah ku ridday 29 qof oo ah wakiillada sirdoonka.
Dadkan ayaa lagu eedeyay inay dileen macallin xabsi ku jiray xilligii ay socdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore Cumar Xassan Al-Bashiir.
Mas’uulkan hore ayaa xukunka qaab milatari ah looga tuuray bishii afaraad kaddib 30 sano oo uu talada Suudaan hayay.
Saraakiisha dilka lagu xukumay ayaa lagu caddeeyay dembi ah inay Axmed al-Kheir kula kaceen xadgudub daran oo dhimasho sababay.
Garsoore Sadok Cabdulraxman ayaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay.
Macalinka u dhintay jirdilka loo gaystay ayaa dabayaaqadii bishii koowaad ee sannadkan lagu xiray xarunta sirdoonka ee gobolka bari ee Kassala.
Afar sarkaal oo kale ayaa lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah halka 7 kalena la siidaayay kaddib markii wax dembi ah lagu waayay.
Qoyska macallinka ayaa sheegay in saraakiisha sirdoonka ay ugu sheekeeyeen in ninkan uu dhintay kaddib markii sun ay soo gaartay.
Hasa ahaate baaritaano dowladeed oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday inuu sababsaday dhaawacyo loo gaystay.

Ugu yaraan 177 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyadii looga soo horjeeday Cumar Xassan Al-Bashiir sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International in kastoo guddi dhakhaatiir oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqyada uu tirada dhimashada ku sheegay 250.
Dadka la dilay ayaa u badnaa kuwo 3-dii bishii lixaad ee June ee sannadkan lagu xasuuuqay afaafka hore ee xarunta ugu weyn ee ciidamada Milatariga taasoo ku taalla magaalada Khartoum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here