Suudaan oo dambi ka dhigtay gudniinka fircooniga

Dowladda Suudaan ayaa mamnuucay in la sameeyana dambi ku tilmaantay gudniinka gabdhaha nooca fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Qofkii dembigan lagu helo waxaa la xiraya saddex sano .
Qaar ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqda haweenka ayaa arrinkan soo dhaweeyay waxayna sheegeen inuu bog cusub u furaya taariikhda wadankaas.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in 9 ka mid ah 10-kii gabdhood ama haween ee Suudaan in lagu sameeyay gudniinka fircooniga.
Dowladda Suudaan ayaa isbeddel ku sameysay sharci horay u jiray waxaana hadda kaddib lala xisaabtamaya cid kasta oo gudniinka noocan ah ku sameyso isbitaal dhexdii ama goob kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here