Suudaan oo ka hor imaatay saxiixida heshiiska biyo xireenka ay soo bandhigtay Itoobiya

Suudaan ayaa diiday soo jeedinta Itoobiya ee ah inay la saxiixato heshiis bilow ah oo ku saabsan biyo xireenka muranka badan dhaliyay, iyada oo ugu yeertay in dib loo bilaabo wada-hadalkii burburay ee Mareykanka ee ku saabsanaa arrinta.
Talaadadii, Raiisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamdok ayaa sheegay inuu diiday inuu saxiixo “heshiis qayb ah” oo ku saabsan biyo xireenka isagoo sabab uga dhigay ka maqnaanshaha qorshe “farsamo iyo mid sharci ” oo la tacaalaya biyo-xireenka ee saameynta deegaanka iyo bulshada.
Rai’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa ugu baaqay Mr Xamdok in uu saxiixo heshiiska.
Dawladaha Suudaan iyo Masar ayaa ka cabsi qabaa in biyo xireenkan ku teedsan wabiga Nile oo ku kacaya 4.6 bilyan oo doolar ay ku xayirmi donaan biyaha muhiimka ee labada dal.
Warqad uu rai’isul wasaare Xamdok u diray dhigiisa Itoobiya ayaa ku sheegay walaaca ku saabsan arrintan isagoo ugu yeeray in ay heshiis gaaraan dawladaha Suudaan, Masar iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here