Suudaan oo markii ugu horresay safiir u magacawday Mareykanka muddo 20 sanno kaddib

Dawladda Suudaan ayaa safiir u magacawday dalka Mareykanka muddo 20 sanno ah kadib.
Saraakiisha labadan wadan ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xiriirkii ay lahaayeen, kaddib markii xilka laga tuuray madaxweyne Omar Al-Bashiir bishii Abril ee sannadkii hore.
Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumada ku meel gaarka ah ee Suudaan ayaa Isnintii sheegay in Nureldin Satti, oo ah khabiir diblomaasi loo magacaabay safiirka cusub ee Washington, ayna saraakiisha Mareykanka ansixiyeen.
Satti ayaa ahaa safiirka Suudaan ee Fransiiska sannadihii 90-meeyadii kadib nah uu ka qeyb qaatay xal u helida khilaafkii xukuumadda dimuqraadiga Congo iyo Rwanda.
Saraakiisha Mareykanka ayaa dhankooda diiday inay shaaciyaan xilliga ay safiir u magacaabayaan Suudaan.
Bishii December ayay ahayd markii rai’isul wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok uu gaaray Wahington Dc waxuuna xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo sheegay in labada xukuumadood ay isweedaarsan doonaan safiiro cusub.
Danjiraha Mareykanka u fadhiisan doona Khartoum ayaa waxaa magacaabi doona madaxweyne Donald Trump waxaana ansixin doona aqalka Senetka.
Sannadkii 1993-dii ayuu Mareykanka waxaa uu dalkan ku dartay liiska wadamada dhaqaalaha siiya argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here