Suudaan oo xirtay xadka ay la wadaagto Liibiya iyo Afrikada dhexe

Wararka naga soo gaaraya dalka Suudaan ayaa sheegaya in dowladda wadankaasi ay xirtay xuduudda ay la wadaagto wadamada dariska la ah ee Liibiya iyo Afrikada dhexe ee CAR.
Golaha ku meel gaarka ee dhawaan la soo dhisay ayaa arrintan ku sheegay bayaan uu soo saaray.
Go’aankan ayaa yimid kaddib kulanka dhex maray xubnaha golaha iyo maamulka Koonfurta gobolka Daarfuur.
Tallaabadan ayaa ah midii ugu horreysay ee dowladda Suudaan ay qaaddo tan iyo markii bishii afaraad ee sannadkan hogganka laga tuuray madaxweynihii 30-kii sano ee ugu dambeeyay ka talinayay Cumar Xassan Al-Bashiir.
Bayaanka amarkan lagu xaqiijiyay ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi la qaaday si looga badbaado wax loogu yeeray halista Suudaan kaga imaan karto Liibiya iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ee dhanka ammaanka iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here