Suuqa City Market oo dib loo furay

Ganacsiga suuqa City Market ee magaladatani Nairobi ayaa caadi ku soo labatay ka dib markii shalay rabshada ay ka dhasheen, ganacsigiina saamyn ku yeelatay.
Waxa rabshadahani dhaliyay is fahan waa dhex maray mulkiilayaasha dukamada iyo waratada, Waxaana ugu dambyn ay ku khasabtay in milkiilayasha dukamada ay albaabada isku dhuftaan dukamada.
Balse saaka subixi hore ganacsiga ayaa sidiisi ku soo labatay ,Halka dukamada ay furnaayeen macamiishana ay iibsanayeen waxyabaa kala duwan oo ay ka mid yihiin hilibka digaaga, kalunka iyo lo’da.
Mulkiilayaasha dukamada ayaa ku doodaye inaysan gabi ahaanba rabin waratada, Halka waratadana ay ku andacoonayeen in Guddomiyaha ismamulka Nairobi Mike Sonko uu u ogolaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here