Suuqa Degmada Xudur oo Xiran Maalinkii Labaad

Suuqa weyn ee Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa xiran mudo laba maalmood ah ka dib markii ganacsatada suuqaas ay ka horyimaadeen Canshuur lagu amray inay bixiyaan.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xudur oo la hadlay warbaahinta Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in ganacsatada Canshuurta ay ka qaadaan aysan badneyn balse ay isugu darsantay jidgooyooyin baad looga qaato iyo ganacsaigii oo meel ay soo marsiiyaan ay waayeen maadaama magaalada Xudur ay in mudo ah go’doon kujirto.
Waxaa uu inataas ku daray taliyuhu in Ganacsatada ay doonaya inay fuliyaan Amarka Maamulka,hayeeshee caqada heysata ay tahay Go’doonka Magaalada,waxaana Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ugu baaqay inay fuliyaan howlgallo Magaalada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool go’doonka looga qaadayo ay Al-shabaab Galiyeen.
Magaalooyin badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa mararka qaar Ganacsatada ku nool waxaay dhigaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan Canshuur lagu kordhiyay, iyaga oo mararka qaar Shaqa joojin sameeya si wax looga qabto arinta au ka cabanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here