Suuqa Gikomba ee Nairobi oo mid casri ah noqon doono bisha saddexaad ee sannadka dambe

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in lagu howlan yahay qorshaha suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi lagu casriyeynaya.
Suuqan oo lagu iibiyo dharka hudheyda iyo waxyaabo kale ayaa marar badan gubtay tani oo khasaare hantiyeed uu ka soo gaaray ganacsatada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhammaanka bishan la gabagabeeyo dhismaha guri ka kooban ilaa 6 dabaq.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Nairobi Flora Mworoa ayaa warbaahinta u sheegtay in dhammaadka bishan la dhamaystiri doono mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan 493 milyan oo shilin.
Waxaa halkaas laga hirgelin doonaa ilaa 324 oo dukaamo ah oo lagu wareejinaya ganacsatada si ay kaga soo saaraan qutul maalmeedka qoysaskooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here