Suuqyada Kwale oo la buufinaya

Waaxda caafimaadka ee ismaamulka Kwale ayaa waxay bilowday in ay buufiso suuqyada, saldhigyada maxaabista iyo goobaha bakinada gawaarida la dhigo si looga hortaga faafitaanka cudurka Covid19 ee u keeno firuusiga coronavirus.
Buufintani ayaa timid kadib markii 22-kii bishaan ismaamulkaasi lagu arkay kiis kii ugu horeeyay ee caabuqan.
Waxaana cudurkaan laga helay qof dalxiis ah oo u dhashay dalka Faransiiska Isagoo haataan lagu daaweenaya isbtilaalka deegaanka hoose ee Msambweni
Gudoomiyaha ismaamulka Kwale Salim Mvurya ayaa sheegay in maamulkiisa uu hogaaminayo hubinta taxadarada lagama maarmaanka ah ee ka hortaga cudurka covid-19
Mr Mvurya ayaa kula taliyay dadka deegaankiisa in ay ku dadaalaan nadaafada guud iyo mida shaqsiyadeed isla markaana aysan dadka isku soo dhawaan oo ay kala fogaadaan si ay u yaraato faafitaanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here